Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. YAA KA DAMBEEYAY GUUSHA MANCHESTER CITY AY KA GAARTAY TOTTENHAM
 YAA KA DAMBEEYAY GUUSHA MANCHESTER CITY AY KA GAARTAY TOTTENHAM
Cayaaraha

YAA KA DAMBEEYAY GUUSHA MANCHESTER CITY AY KA GAARTAY TOTTENHAM

by Fitaah Diinle January 20, 2023 33 0 Comment

AA

Ka dib ciyaar qeybta labaad xaraaradย  yeelatay , Man City ayaa sedex gool iyo laba ku garaacday Tottenham kuwaasi oo qebtii hore ka naxsaday wiilasha Pep , waxa ayna uga talaabsadeen 4/2

Sheekada ciyaarta:ย ka dib fadeexo dhanka daafaca ahย  oo ay ka sheegteen Man City waxa nasiinada loogu diray laba gool oo nadiif ah oo is xigay

City kuma soo muuqan bandhig wacan waxaa ka muuqday daal iyo is fahan la`aan waana ku adkeyd in kubadda si sax ah u gaarsiiyaan afka hore Tottenham

Tottenham daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen waana ku guuleysteen go`doominta Haaland iyo weerarka kale ee City halka ay dhankooda ku tiirsaaayeen kubadaha rogaal celiska ah

Man City daafacooda qalad weyn ayaa ka dhacayay oo afka hore ayay si ka bad badis ah ugu soo baxayeen taana waxa ay keentay in laba gool deg deg laga dhaliyo waxaana daqiiqadihii 44-ad iyoย  daqiiqadii 2-aad ee waqtiga dheeriga kaย  dhaliyay Kulusevski iyo Emerson

Xiddigaha City qaarkood maqane jooge ayay ka ahaayeen ciyaarta waxa ayna u baahnaayeen canaan inta nasiinada lagu jiro

Qeybta labaad , City kubadda waa ku badnaayeen waxaana ka go`neyd in waqti hore natiijada wax ka badalaan waxa ayna keeneen goolย  uu saxiixay Alavarez waxaana horay uga soo shaqeeyayย  Riyad kaasi oo dhaashay daqiiqadii 52-aad

Ka dib goolkaas , ciyaarta xaraarad ayay yeelatay , Mahrez caajiska ayaa ka tagay dhaq dhaqaaq wacan ayuu sameeynayay ilaa uu ka shaqeeyay gool labaad waxaana si qurux badan oo madaxa ah ku dhaliyay Haaland daqiiqadii 53-aad.

Citty gool sedexaad ayay dagaal ugu jireen waana u dhawaanayeen xili Totenham rogaal celiska ay maciin bideysay , waxa ayan ciyaarta aheyd mid wax waliba laga filan karo labada dhinac .

Pep soo laabashadii , shaxdii uu ku soo galay waa badalay ee 4 dhexe aheyd waxa ay taasi keentay in hanaanka ciyaarta is badasho waliba noqoto mid deg degsiimo lehย  , Riyad fax fax ayuu noqday waxa uuna shabaqa dhigay gool sedexaad oo cajiib ah daqiiqadii 63-aad

Aad ayay City uga wacnaayeen qeybtii hore , kalsooni ayay ciyaarayeen waxa uuna Pep badalkiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 81-aad iyadoo uu saaray Gundoganย  waxa uuna soo giliyay Silva .

Dhacdooyinkaas ka dib , Tottenham waxa ay ka sheegteen in kubadda durba qasaariyeen waxa ayna u muuqdeen kuwo daalay xilli dhamaadkii City qasaarinayeen fursadoย  ilaa Riyad gool afaraad uu dhaliyay daqiiqadii 90-aad , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 4/2

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.