Xulka France Oo Markii 2-aad Oo Xidhiidh Ah Iska Xaadiriyay Final-ka Koobka Adduunka & Morocco Oo Kor U Qaaday Sharafta Africa & Muslimiinta.
Xulka France ayaa iska xaadiriyay Final-ka kooba adduunka kadib markii ay guul dirqi ah ka gaadheen xulka Morocco oo ahaa midka fiican guud ahaan ciyaarta.
France oo leh khibar ka fiican xulka Morocco ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo ka faaโiidaystay khalad ay galeen daafacyada xulka Morocco.
Daqiiqadii 5-aad ayuu xulka France helay wixii uu doonayay waxana ay dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Theo Hernandez kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.
Wixii intaas ka dambeeyay xulka Morocco ayaa ahaa midka fiican iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha ciyaarta.
Daqiiqadii 10-aad ayuu xulka Morocco Goolhaye Lloris ku qasbay in uu sameeyo badbaadin cajiib ah kadib markii uu fursad cajiib ah helay.