Rasomit Rasomit

Breaking News

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮d

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Xukuumada oo Wada Qorshe Gargaar lagu Gaadhsiinayo Danyarta Laascaanood….
 Xukuumada oo Wada Qorshe Gargaar lagu Gaadhsiinayo Danyarta Laascaanood….
Wararka

Xukuumada oo Wada Qorshe Gargaar lagu Gaadhsiinayo Danyarta Laascaanood….

by Raad Raac January 18, 2023 6 0 Comment

AA

Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Jamhuuriyadda Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa kulan ku saab sidii taakulo loo gaadhsiilaha dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Laascaanood la qaatay qaar ka mida hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha waxa uu sheegay in kulankaasi uu salka ku hayay in bulshada danyarta ah ee ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool sidii loo gaadhsiinlahaa kaalmo bini’aadanimo.

Guddoomiye Xinif waxa uu intaas raaciyay in kulankaasi lagaga wada hadlay intii uu socday sidii bulshada ku nool gudaha magaalada Laascaanood loo gaadhsiinlahaa adeegyo ay ka mid yihiin caafimaadka, biyaha iyo arrimaha kale ee dadkaasi u baahanyihiin.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in kulanka dhexmaray hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ee wada shaqaynta ay leeyihiin uu salka ku hayo in sida ugu dhakhsaha badan dadkaasi loo gaadhsiiyo taakulo.

Waxaanu yidhi.“Maalmahanba waxa aanu ka shaqaynaynay sidii aanu hay’addaha ugala kulmi lahayn hawsha Laascaanood, arrinta Laascaanood uga hadli mayno si siyaasi ah, balse waxa aynu uga hadlayna si bini’aadanimo, dawladdu waxa ay waddaa qorshaheedii iyo wixi ay taakulo dadkaasi ugu talo gashay.

Waxa hadda aynu u baahanahay waa waxyaabaha deg dega ah, kaas oo ugu horreeyo raashinka, biyaha, kooxo caafimaad oo wareega, biyaha iyo weelkii lagu shubayay, wax deg deg ah oo dadka hadda lala gaadho ayaynu u baahanahay, hay’addihii caafimaadka ka shaqaynayayna way joogaan, dawladdiina way joogta oo ilaa 8 wasiir ayaa magaalada Laascaanood ku sugan, taliyayaashi ciidamada oo dhan ayaa jooga, dadkaasi oo dhami waxa ay diyaar u yihiin sidii dadkaasi wax loogu qabanlahaa.

Warbixin ayaad naga sugaysaan waanu idiin keeni doona, idinkana jawaabtu yaanay idinku raagin,”.

Gaba’gabadii guddoomiye Xinif waxa uu hay’addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah intaba ku adkeeyay in ay marka ay warbixin dhammeystiran ugudbiyaan ka hay’ad ahaan iyaguna ay si deg deg ah uga soo jawaabaan, isla markaana kulankan ka xiga la isugu soo noqdo maalinta Khamiista ee toddobaadkan dhammaadkiisa haddii ILLAAHEY yidhaadhdo.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 11

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 26

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.