Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Xukuumada Muuse Oo Sheegtay Inay Bixinayso Magta Shacabka Ciidanku Kulaayay Laascaanood…
Wararka

Xukuumada Muuse Oo Sheegtay Inay Bixinayso Magta Shacabka Ciidanku Kulaayay Laascaanood…

by Raad Raac December 29, 2022 6 0 Comment

AA

Guddidii heer Qaran ee ku sugnaa gobolka Sool, kana koobnaa Wasiirrada, Agaasimayaasha guud, Xildhibaannada iyo maamulka gobolka Sool ayaa kulan la qaatey ehellada dadkii ku dhintey mudaharaadkii Laascanood.

Waxaanay dawladdu ehellada siisay aaskii Allah ha u naxariisto marxuumiintii ku dhintey mudaharaadka, iyadoo Dawladda Somaliland ballan qaaddey in ay bixinayso magta Allah ha u naxariisto dadkii ku dhintey.

Kulankaasi ayaa kusoo dhammaadey is-af-garad buuxa oo ay wada gaadheen Masuuliyiinta Dawladda iyo ehellada marxuumiintaasi, sida ay warbaahinta Dawladu qortay.

Maaha markii koowaad ee Xukuumada Muuse inta ay shacab layso ay tidhaa waxaan bixinayaa magta dadka geeriyooday.

Dhacdo sidan oo kale ah oo Hargaysa ay xukuumadu ku laysay shacab samaynayay banana bax ayay markii dambe  eheladii  dadku ka dhinteen ay siisay lacag ay ku tilmaamtay magtii dadka dhintay.

Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa markay la kulmaan mudahaardyo inta badan xabad nool ladhaca shacabka, iyagoo taasi ka raadiya xalka.

Maalintii saddexaad ayaanu weli mudaharaadku ka socdaa magaalada Laascaanood.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 40

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.