Xukuumada Muuse Biixi Oo Ujawaabtay Gudoomiye Khaliif Oo Ka Hadlay Xaalada Laascaanood…
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay inay cambaaraynayaan shaqaaqadii Laascaanood, waxaanu ka tacsiyadeeyey ehelada dadkii ku geeriyooday. Wasiirka oo bartiiisa Twitterka qoraal ku baahiyey ayaa sheegay in ciidamada amaanku ku hawlan yihiin soo afjarida shaqaaqadaa.
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sidoo kale guddoomiyaha Golaha Wakiilada ugu baaqay inaanu arrinta Laascaanood siyaasadayn.
Hadalka wasiirka ayaa daba scoday waraysi uu manta siiyay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland idaacada BBC-da, waraysigaasi oo uu gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ku dhaliilay xukuumadu qaabkii ay uwajahday mudaharaadka ka dhacay Laascaanood, isagoo sidoo kalana ciidanka milatariga ugu baaqay inay ka baxaan gudaha magaalada Laascaanood.