XUDUUDAHA SOMALILAND LAMA BADALIKARO
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, ama Dawladaha Afrikaanka ahi ma jeexin mana samayn xudduudaha hadda jira ee Dawladaha Afrika. Dhammaan xudduudaha dalalka Afrikaanka ah ee xorta ah waxaa sameeyay quwadihii gumaystaha ee Yurub dhamaadkii qarnigii 19-aad, gaar ahaan xilligii la qaybsanayay Afrika ee lagu qabtay Berlin 1884. Qaranimada, madaxbannaanida, iyo aqoonsiga diblomaasiyadeed ee dawlad kasta oo Afrikaan ah ee maanta waa mid ku salaysan xuduudihiisa ama xuduudaheeda gumaysiga. Sidoo kale, dhammaan xudduudaha Dunida Carabta, Aasiya, iyo Koonfurta Ameerika waxay sidoo kale waxa weeye xudduudaha gumeysiga ee ay u badan yihiin Ingiriiska, Faransiiska iyo Isbaanishka.
Sidoo kale, Qaranimada, Madax-banaanida iyo Aqoonsiga Diblomaasiyadeed Jamhuuriyadda Somaliland, waxa saldhig u ah soohdimaheeda Gumaysiga ee uu sameeyey xilligii Maxmiyadda Somaliland ee Ingiriiska. Dhinaca Bari, xuduudka Somaliland waxa uu maraa Growe iyo Boosaaso. Galbeedka, waxa ay martaa Lowyacaddo. dhinaca Koonfurta, Somaliland waxay xuduud la wadaagtaa Itoobiya. Waqooyina xuduudka Somaliland waxa uu maraa badda cas.
Xudduudaha Soomaaliya, Somaliland iyo Jabuuti waxay leeyihiin maqaam iyo sharci caalami ah, sababtoo ah dhammaan waxaa soo jiiday amaba jeexey quwadaha gumeysiga Yurub. Cid kasta oo ka hortimaada sharcinimada xuduudaha Somaliland, qaranimadeeda, madax-banaanideeda iyo aqoonsigeeda diblumaasiyadeed, waxa ay caqabad ku tahay xuduudaha iyo madax-banaanida dhammaan dawladaha Afrikaanka ah ee xorta ah (54) ee xudduudkoodu ka soo jeedaan xuduudihii gumaystaha ama soohdimahooduba.
Xuduuduhu qabiil kuma dhisna ee waxay ku dhisan yihiin xudeed sharci dhuleed oo keliya. Afrika iyo aduunkan ma jiro xuduud qabiil ama dawlad qabiil ah mana jiri doonto. Waxa jira xuduudo qaran oo kaliya oo ay qaranimadoodu ka kooban yihiin qabiilooyin amaba dhawr qabiil oo wadaaga xuduud iyo dawladnimo. Qabaa’ilka Afrikaanka ah ee soo socda ayaa si cad u muujinaya sida qabiilooyinka Afrikaanka ah loogu qaybiyo dalal kala duwan. Qabiilooyin Afrikaanka ah ee kala degan dalal kala duwan ee xuduud kala qaybiyey waxa ka mid ah kuwan soo socda:
1- Qabiilka Fulani: Qabiilkani waxa uu degan yahay Mali, Nigeria,
Niger, Chad, Cameroon iwm.
2- Qabiilka Tuareg : Qabiilkaani wuxuu degan yahay Senegal, Nigeria,
Mali, Niger iwm.
3- Qabiilka Lunda: Qabiilkaani waxa ay degaan Congo, Zambia, iyo
Angola.
4- Qabiilka Yoruba: Qabiilkani waxa uu degan yahay Nigeria, Benin, iyo
Togo.
5- Qabiilka Maasai: Qabiilkani waxa uu kala degan yahay Kenya, iyo
Tanzania.
6- Qabiilka Canfarta: Qabiilkani waxa uu degaa Ethiopia, Eritera, iyo
Djibouti.
7- Qabiilka Berber: Qabiilkani waxa uu degan yahay Morroco, Tunisia,
Libya, Algeria.
8- Qabiilka Isaaq: Qabiilkani waxa uu degaa Somaliland, Ethiopia,
Kenya, Djibouti.
9- Qabiilka Gadabuursi: Qabiilkani waxa uu degaa Somaliland, Itoobiya
iyo Jabuuti.
10- Qabiilka Hawiye: Qabiilkaani waxa ay kala degaan Soomaaliya,
Kenya iyo Itoobiya.
11- Qabiilka Daarood: Qabiilkani waxa uu degaa Somalia, Somaliland,
Kenya, Ethiopia.
12- Qabiilka Rahanwein: Qabiilkaani waxa ay degaan Soomaaliya,
Itoobiya iyo Kenya.
13- Qabiilka Essa: Qabiilkani waxa uu degaa Jabuuti, Itoobiya iyo
14- Qabiilka Gabooye: Qabiilkani waxa uu degaa Somaliland, Somalia,
Ethiopia.
Hadaba Somaliland 1991-kii waxay la soo noqotay xornimadeedii ay qaadatay June 26, 1960 iyada oo ku salaysan xuduudaheedii hore ee wakhtigii gumeystihii hore ee Ingiriiska isla iyo markaana ay xorimada dawladnimo ku qaadatey Somaliland ,sidaa darteedna Somaliland kuma xadgudbeyso mabda’a- uti possidetis – iyo in la ilaaliyo xuduudaha hore ee afrika ee gumeysiga iyo madaxbanaanida – taas oo ku xusan Sharciga Wadatashiga ee Midowga Afrika (Kalfadhiga Qaahira, UAR, laga bilaabo 17 ilaa 21 Luulyo 1964).Cidii hab qabiil ku diidan xuduudaha Somaliland waxay diideen xuduudaha u dhaxeeya Ethopia iyo Somaliya iyo sidoo kale xuduudaha u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya .