XUBNO KA TIRSAN DDS OO SOO GORMEERAY MASHAARIIC LAGA WADDO MAGAALADDA GODEY
Xubno masuuliyiin ah oo iskugu jira heer deegaan, heer gobol iyo heer maamul magaalo ayaa soo kormeeray mashriico lagu wado Maamulka Magaalada Godey
Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDS, mudane. C/laahi Cabdi oo ay weheliyaan gudoomiyaha gobolka Shabeelle mudane Aadan Axmed iyo Duqa Maamulka Magaalada Godey mudane C/laahi Cali Xaaji ayaa kormeer dabagal ah kusoo maray dhismayaasha dugsiga sare ee darajada koobaad ee maamulka magaaladaasi, xarunta horumarinta haweenka ee Khadiija iyo dhismaha maktabada dadweynaha.
Kormeerka xubnahan ayaa ku qotomay indho’indhayn iyo dabagal ay ku eegayeen habsami-u-socodka shaqo ee mashriicahan oo qaarkood lagu dhisayo iskutashi shacab.