XUBNO KA MID AH URURKA KAAH OO GAARAY DAGMADDA DHUDHUB.
Xubno ka mid Ururka Kaah oo Degmada Dhudhub ujoogo Wacyigelinta Isdiwaagelinta Doorashooyinka Puntland ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ugu Horeeyaan odayaasha Dhaqanka, Ururada Haweenka, ururada dhalinyaradda, iyo qaybaha kale ee dadweynaha Degmada Dhudhub.
Ujeedka kulan kaan ayaa ahaa Wacyigelinta Isdiwaagelinta Doorashooyinka golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Dowlada Puntland oo Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC u mudaysay in la bilaabo 05-01-2023.