XOGHAYAHA JOOGTADA AH WASAARADDA CADAALADA OO QABTAY SHIR MUHIIM U AH WASAARADDA CADAALADA.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaldda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Faysal Adan Xasan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Agaasime Waaxeedyada iyo madax qaybeedyada ee Wasaaradda kaas oo lagu lafa guray dardargelinta howlaha hortabinta u leh Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Gabagabadii shirka waxaa kormeer ku yimid Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud isaga oo ku bogaadiyay shaqaalaha howsha ay hayaan, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan Shaqada ay qaranka u hayaan.