Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Xisbiga Waddani Oo Cadeeyey Doorka Uu Ka Qaadanayo Xaalada Laascaanood…
 Xisbiga Waddani Oo Cadeeyey Doorka Uu Ka Qaadanayo Xaalada Laascaanood…
Wararka

Xisbiga Waddani Oo Cadeeyey Doorka Uu Ka Qaadanayo Xaalada Laascaanood…

by Raad Raac January 2, 2023 7 0 Comment

AA

Xisbiga Waddani Oo Cadeeyey Doorka Uu Ka Qaadanayo Xaalada Laascaanood 

 

xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa soo bandhigay doorka uu xisbigaasi ka qaadanayo xaalada ka taagan magaalada Laascaanood.

war uuu soo saaray xoghaye Khadar ayaa u dhignaa sidan:-

Shalay 11 kii Ogos, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa ay si arxandarro ah ugu laysay shacab aan hubaysnayn oo waxa keliya ee ay doonayaan ahaa in dastuurka dalka iyo xeerarkiisa la xurmeeyo. Maantana waa ay ka sii fogaatayba, waxaa la dilay muwaadiniin rayid ah oo ka cabanaya dilka qorshaysan ee lagu khaarajinayo haldoorkooda.
Taariikhda kuma jirto mar ay xabbadi xal waara keentay, mana ay dhicin in cid lagu qasbo aragti iyo go’aan aanay doonisteeda ku qaadan. Marka ay xaalka Laascaanood tahayna, runta keliya ee taallaa waa in aanay jiri karin Somaliland aanay ka mid ahayn Laascaanood oo nabad ah, dadkeeduna dareemayaan lahaanshiyaha qaranka.
Sidaas awgeed, madaxweynaha muddo xileedkii la doortay uu dhammaaday waxaa looga fadhiyaa, in uu qaato go’aan ku dhisan xikmad, xilkasnimo, odaytinimo, dulqaad iyo fogaan arag.
Waxaa la gudboon in uu liqo runta ah, haddii shan sanno uu u soo shaqaynayey dhaqanka siyaasadda lagu sheegay ee ah muran, ku jiq sii, iskeen sii, qaybinta shacabka ee gaadhay in markii ugu horreysay taariikhda Somaliland xitaa xuskii 18 May laba meelood lagu kala qabsado iyo khilaafka aan sababta lahayn ee uu geliyey doorashooyinka, in maanta duruufuhu ay marayaan meel aanu dhaqankaasi innaga saari karin.
Cana qubtayba dabadood la qabay ee, mucaarad ahaan, waxa aannu diyaar u nahay in aannu gacan ka gayano sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Laascaanood, waa se haddii la abuurto jawigii suurtagelin lahaa.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 58

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.