GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Xildhibaankii Aad U Dooratay Golaha Wakiiladu Dib Makuugu Soo Laabtay…
Xildhibaankii aad dooratay dib ma kuugu soo laabtay ?
Xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf Axmed, oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa kormeer ku tegay deegaamada laga soo doortay ee miyiga gobolka Togdheer iyo Buuhoodle si uu ugu kuurgalo xaaladda dadka.
Deegaamada uu booqday waxa ku jira Nasiye, Qoryaale, Qorilugud, Warcimraan iyo deegaamada degmooyinkaasi hoos yimaada.
Xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf, waa markii saddexaad ee uu kormeer ku tago deegaamada laga soo doortay ee Miyigi magaalada Burco.
Xilligii Abaarta ayuu kaalmada ugu badan ka gaystay wax u qabashada Bulshooyinka soo doortay ee deegaamadaasi.