Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Xildhibaanadii Habar Awal Ee Ka Soo Baxay Xisbiyada Mucaaradka Oo Ka Dareeray Xisbiyadii Ay Ka Soo Baxeen…
 Xildhibaanadii Habar Awal Ee Ka Soo Baxay Xisbiyada Mucaaradka Oo Ka Dareeray Xisbiyadii Ay Ka Soo Baxeen…
Wararka

Xildhibaanadii Habar Awal Ee Ka Soo Baxay Xisbiyada Mucaaradka Oo Ka Dareeray Xisbiyadii Ay Ka Soo Baxeen…

by Raad Raac December 17, 2022 7 0 Comment

AA

Nuuradiin Diini oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland kana mid ahaa siyaasiyiintii ku dhawaaqay ururada ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanadii Habaw-awal ee ka soo baxay xisbiyada mucaaradka Somaliland ay si qabyaaladaysan uga baxeen xisbiyadii ay ka soo baxeen.

Siyaasi Nuuradiin ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu daabacay oo udhignaa sidan:-

Xildhibaanadii gollaha Wakiilada Habar-awal, ee ka soo baxay Xisbiyada Mucaaridka Waddani iyo Ucid dhamaan wey isaga tageen Xisbiyadoodii waliba waxa ay uga tageen si qabyaalad qaawan ah, xataa kuwii Kulmiye diiday in uu u sharaxo xildhibaanimo, macaa Wadaaddkii. Si fudud bay u dhaqaaqeen iyaga oo adeegsanaaya maahmaahdii Geel-jiraha ee ahayd  Fiqi tolkii kama jano tago

Xiligii Axmed Siilaanyo ahaa gudoomiyaha Kulmiye Xildhibaanadii Habar Jeclo ee ku soo baxay doorashadii Baarlamaanka 2005kii sidoodii ayay Xisbiga Kulmiye u joogeen waliba waxa ay qaateen door mucaaridnimo oo raganimo leh iyo wixii loo doortay in ay fuliyaan ilaamaanta waa Kulmiye qaarkood, qaarna waaba Xukuumadda.

Xildhibaanadii Garxajis ee ku soo baxay doorashadii isku sidkanayd ee gollaha Wakiilada iyo Deegaanka qaar badan baa isaga cararay Xisbiyadoodii ku oo ka tagay, ma la odhan karaa Garxajis wuu ka qabyaalad yaryahay Habar Awal iyo Habar Jeclo oo marka horeba isku raacay qabyaalad iyo Jeegaaniisam

Xildhibaanada Garxajis ee iskaga cararay Xisbiyadoodii ay ka soo baxeen, beel ahaana ay hoggaaminayeen marka la weydiiyo maxaad uga tagteen xisbiyadii aad ka soo baxdeen waxa ay u hadlaan si doqoniimo ah iyaga oo hag hago iyo gang’o leh ayay ku odhanayaan dada  dawo dooonay, iyo bi’ bi’ biyo ayaan dooonay.

Ku darsoo Xildhibaanadii Wakiilada ee Habar-jeclo iyo Habar-awal, mid kaliya oo mucaaridka tagay ma jiro ama la mawqif noqday

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 58

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.