GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Xildhibaan Gobsan Oo Si’adag Uga Hadashay Xaalada Laascaanood….
Xildhibaan Gobsan Muxumed oo ka mid ah Xubnaha Somaliland ka soo jeeda ee ugu firfircoon uguna kartida badan barlamaanka Soomaliya ayaa si adag uga hadashay xaalada Laascanood waxayna tidhi
Cod dheer iyo mid gaaban waxa magaalada Laascaanood ka dhacaya maaha wax la aqbali karo.
Shacabkayga reer Laascaanood waxaan leeyahay walaalayaal dhammaantayo idinla dareen baanu nahay, waanu idinla jirnaa ee idinkama jirno.
Somaliland, waxaan leeyahay reer Laascaanood waxay rabaan cida laysay dadkoodi masuuliyadda amaankana waxay dusheeda tahay Somaliland.
Magaalada Laascaanood ayaa waxa weli ka socda rabshado, tiiyoo caawa laga soo sheegayo inay xabadi ka dhacayso magaalada.
Dhinaca kale shacabka ayaa magaalada ka dhex taagay calan Khaatumo iyo sidoo kale calanka dawlada Somaliya