XIDIGAHA LACAGTA UGU BADAN LAGA SIIYAY PREMIER LEAGUE OO AY SOO SAARTAY SHABAKADA TRANSFER BARKET
Shabakada Transfert Markt ee qaabilsan qiimaynta xiddigaha kubada cagta ayaa soo saartay saxiixyada ugu qaalisan ee ay sameeyeen kooxaha premier league sanadihii ugu dambeeyay.
Transfert Markt ayaa soo saartay 13-ka xiddig ee ugu qaalisan suuqa Kala iibsiga ee ku biiray kooxaha premier League sanadihii ugu dambeeyay.
Xiddiga Man City ee Jack Grealish ayaa ah xiddiga ugu qaalisan isaga oo 117.50 milyan ugu soo biiray kooxda Man City markii uu yimid City.
Waxa ku xiga xiddiga Inter ee Romelu Lukaku kaas oo oo 113.00m ugu biiray kooxda Chelsea sanadkii 2021/2022.
Dhinaca kooxaha Man United ayaa samaysay saxiixyada ugu qaalisan sanadihii ugu dambeeyay iyada oo 5 xiddig ku leh xiddigaha ugu qaalisan suuqa premier League.Waxa ku xigta Chelsea oo ku lehย xiddig halka ay ku xigto kooxda Liverpool oo ku leh 2 xiddig halka ay Arsenal iyo Man City ku leeyihiin min hal xiddig.