Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya Waa Jidka Lagu Gaadhi Karo Is-dhexgalka Dhaqaale ee Mandaqadda Geeska….
 Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya Waa Jidka Lagu Gaadhi Karo Is-dhexgalka Dhaqaale ee Mandaqadda Geeska….
Wararka

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya Waa Jidka Lagu Gaadhi Karo Is-dhexgalka Dhaqaale ee Mandaqadda Geeska….

by Raad Raac January 7, 2023 4 0 Comment

AA

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Md. Maxamed Axmed Cawed waxa uu sheegay in xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid lagu gaadhi karo is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Warbixin dheer oo Safiir Cawed qoray, laguna baahiyey Wargeyska Ethiopian Herald ayaa u dhignayd sidan;

“Somaliland iyo Itoobiya waxay ku dhiirranayaan waa-cusub oo xidhiidh laba geesood ah iyada oo la filayo inay labada dal sii horumariyaan iskaashiga xuduudaha badan. Shucuubta labada qoomiyadood waxay horeba ugu xidhnaayeen juquraafi, dhaqameed, iyo qiyam dhaqaale.

Dhab ahaantii, xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland waxuu muhiim u yahay dardargelinta iyo xoojinta is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika, sababtoo ah meesha ay ku yaalaan istaraatiijiyadeed ee gobolka. Somaliland waxay isu rogtay inay noqoto xarun ganacsi oo muhiim ah oo ay heshiisyada la gasho dawladaha jaarka ah.

Safiir Cawed oo ka hadlayey heerka iskaashi ee labada wadan ayaa yidhi, “Waxa xusid mudan in xidhiidhka laba geesoodka ah ee Somaliland iyo Itoobiya uu marba marka ka danbaysa uu ahaa mid meel fiican maraya, isla markaana laga gaadhayo natiijooyin wanaagsan. Waxa muuqata in xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland dhawr jeer uu horumar la taaban karo ka samaynayey dhinacyada arrimaha bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo nabadgelyada.

Ka dib balan qaadkii xukuumadaha labada dal, waxaa sii kobcay xidhiidhkii ganacsi ee u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya oo ka sii muhiimsanaaday sidii hore. Somaliland waxa ay ka soo waaridaa Itoobiya, Baradhada, Qamadiga, Basasha, Kafeega, Midhaha iyo wixii la mid ah. Tusaale ahaan, sannadka 2021, Somaliland waxay ku guulaysatay inay soo dejiso khudaar daray ah oo qiyaastoodu gaadhayso 63,490 Tan.

Mar uu ka hadlayey iskaashiga dhaqaale ee labada wadan ayuu sheegya Safiir Cawed, “Duruufaha jira, ayaa lacagta Birta Itoobiya ka socotaa goobaha wax iibsiga ee Somaliland ee ku teedsan gobollada xuduudka la leh, halkaas oo ay labada waddan si wada jir ah isaga kaashanayaan habsami u socodka hawlaha ganacsiga. Guud ahaan hawlaha, ku dhawaad 500 oo qof ayaa ka gudba xadka magaalada Wajaale oo ku taal xuduudka labada dal waxa kale oo ay martigelisaa 17 bangi oo Ethiopian ah iyo 4 bangi oo Somaliland ah.

Marka laga reebo deeqaha waxbarasho ee la siiyo ardayda Somaliland, tirada ardaydeenna ee wax ka barta machadyada tacliinta sare ee Itoobiya ayaa marba sii kordhayey. Run ahaantii, afar jaamacadood oo Itoobiya ah ayaa adeegyo ka bixiya Somaliland sida Admas, Alpha, Unity iyo New Generation.

Dhowaan ayay ahayd markii xukuumadda Somaliland ay heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Itoobiya oo ay ku iibsanayso korontada.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.