Rasomit Rasomit

Breaking News

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮d

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Xiddigaha Xulka Qaranka Brazil oo Doortay Tabobaraha ay Doonayaan in loo Magacaabo Xulka….
 Xiddigaha Xulka Qaranka Brazil oo Doortay Tabobaraha ay Doonayaan in loo Magacaabo Xulka….
Cayaaraha

Xiddigaha Xulka Qaranka Brazil oo Doortay Tabobaraha ay Doonayaan in loo Magacaabo Xulka….

by Raad Raac December 27, 2022 2027 0 Comment

AA

Xiddigaha waaweyn ee xulka qaranka Brazil ayaa doortay tabobaraha ay doonayaan in loo magacaabo xulkooda, kaddib markii uu iska casilay Tite saacado kaddib markii ay Croatia wareegga siddeedda Koobka Adduunka ku reebtay rikoodheyaal.

Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa sheegay in ciyaartoyda Brazil ay ku wargeliyeen xidhiidhka kubadda cagta dalkaas tabobaraha ay doonayaan oo ah ajaanib aan u dhalanin dalkooda.

Brazil ayaa la sheegay in sannadkan ay ka guurayaan dhaqankoodii taariikhiga ahaa ee in tababaraha xulkoodu uu noqdo muwaadin u dhashay Brazil, iyadoo lala xidhiidhinayo tababareyaal badan sida Pep Guardiola, Jose Mourinho, Carlo Ancelotti, Luis Enrique iyo Zinedine Zidane.

Xulka ugu guulaha badan dunida ee Brazil oo ay ugu dambaysay in Koobka Adduunka ay ku guuleystaan sannadkii 2002, ayaa waxa shantii Koob Adduun ee ugu dambeeyey kusoo jiray niyad-jab iyaga oo dhinaca kalena ku hubaysan xiddigo waaweyn, taas ayaana keentay inay tabobare ajaanib ah oo beddela falsafaddooda ciyaareed magacaabaan.

L’Equipe ayaa waxa uu sheegay in ciyaartoyda xulka Brazil ay doorteen tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane oo la filayay inuu beddelo Didier Deschamps laakiin ay muuqato inuu khilaaf u dhexeeyo xidhiidhka Faransiiska oo aanu qaban doonin shaqadaas, isla markaana Deschamps uu afar sanndood oo kale kordhin doono toddobaadyada

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 28

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.