Xiddig Muhiim Ah Oo Man City Ka Maqnaan Doona Kulanka Chelsea, Mid Kalena Shaki Ayaa Ku Jira.
Kooxda Man City ayaa wajahaysa kooxda Chelsea iyada oo uu ka maqanyahay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ruben Dias Kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.
Dhinaca kale waxa uu shaki ku jiraa daafaca kale ee Aymeric Laporte kaas oo aan taam ahayn sida uu xaqiijiyay tababaraha Man City ee Pep Guardiola ka hor kulanka.
Isagoo ka hadlayay shir jaraaโid Arbacadii, Guardiola ayaa yiri: โRuben waa maqan yahay, Aymer Laporte, waxaan ku arki doonaa maanta tababarka kadibโ.
Laporte ayaa ka soo muuqday kulankii EFL Cup-ka ee ay ka badiyeen Liverpool laakiin waxa uu kaydka ku jiray kulankii Leeds ka hor inta uuna seegin kulankii Everton.
Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Man City kuwaas oo u tartamaya sidii ay u soo qaban lahaayeen kooxda Arsenal.
Xiddigaha Aymeric Laporte iyo Ruben Dias ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan City waxana ay tabi doonaan maqnaanshohooda.