Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay dhalinyaradii dowladda Soomaaliya tababarka Ciidan ugu qaday dalka Ereteriya, balse la sheegay in laga qeyb geliyay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in Dhalinayradaas markii hore si qiyaano ah loo qoray, hayeeshee dano kale oo siyaasadeed loo adeegsaday, isla markaana la iibsaday.

Waxaa uu sidoo kale Xasan Sheekh sheegay in marar badan ay maqlayaan in Dhalinyaradaas la geliyay dagaalkii ay Itoobiya Waqooyiga dalkaas kula gashay Kooxda TPLF, isla markaana Madaxda dowladda Soomaaliya aysan wax jawaab ah ka siinin Waalidiintooda oo maalin walba walaac muujinaya, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin.

“ Lama aqbali karo in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay dowladdu dirtay aan warkooda la heynin. Mas’uuliyiintii howshaas ka dambeeyay waa in ay waalidiinta iyo ummadda Soomaaliyeed u caddeeyaan masiirka carruurta Soomaaliyeed ayuu yiri” Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxda dowlada inay cadeeyaan, tirade Dhalinyarada la qaaday, halka ay ku dambeeyan iyo waqtiga la soo celinaayo.

Dhalinarada Kumanaanka kun gaaraya ee dowladda Soomaliya tababarka Ciidan ugu dirtay dalka Ereteriya ayaa waalidiintooda waxaa ay sheegeen in aysan ka warheyn mudana la hadlin, iyaga oo ka codsday dowladda Soomaaliya iyo Carruurtooda dib loogu soo celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here