Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Xasan Sheekh Oo Billadda Ugu Sarraysa Dalka Guddoonsiiyay Madaxweyne Geelle…
 Xasan Sheekh Oo Billadda Ugu Sarraysa Dalka Guddoonsiiyay Madaxweyne Geelle…
Wararka

Xasan Sheekh Oo Billadda Ugu Sarraysa Dalka Guddoonsiiyay Madaxweyne Geelle…

by Raad Raac December 31, 2022 30 0 Comment

AA

Wiilku si kasta oo uu u dadaalo aabihiis uma abaal gudikaro

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay billad-sharafta ugu sarreysa dalka guddoonsiiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kadib xaflad ka dhacay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Caawa, waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama illaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Geelle uu ku muteystay billaddan ‘kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mahadceliyay billada qaran ayaa sheegay ‘inay muhiim tahay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta iyo himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Geelle ayaa booqasha rasmi ah ku joogay Soomaaliya labadii maalmood ee lasoo dhaafay, isaga shalayna ka hor hadlay kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 76

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.