GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
XASAN ALI KHEYRE OO U TACSIYEEYAY DADKII KU WAX YEELOOBAY QARAXYADII KA DHACAY MAXAAS
Bismillaah.
Waxaan Guud ahaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaana Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamadda Kacdoonka shacabka uga tacsiyaynaa geerida ka dhalatay qaraxii saakay kooxaha Khawaarijta ah ay ka gaysteen dagmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.
Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa geerida soo gaartay qoysaska saraakiisha iyo askarta xaq u dirirka aheyd ee ku geeriyooday weerarkan bahalnimadda ah. Waxaan alle ka baryayaa in inta dhimatay naxariistiisa rabi ku daboolo, inta dhaawaca ahna uu Alle siiyo caafimaad iyo soo kabasho deg-deg ah.
Waxaan bogaadinaya Halganka Shacabka iyo CXDS ee deegaanadda wali gacantooda ku jira looga xoreynayo dhiig cabyadda khawaarijta ah ee ummada iyo Dalkaba naafeeyay. Waxaanna markale shacabka soomaaliyeed ka codsanayaa in loo midoobo cirib tirkoodda, deegaan, dowlad iyo cid gaar ahna aan lagu halayn.