Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Xalka Somaliland Waxa Uu Kujiraa Muuse Biixi Oo Is-casila Doorashana Ku Dhawaaqa…
 Xalka Somaliland Waxa Uu Kujiraa Muuse Biixi Oo Is-casila Doorashana Ku Dhawaaqa…
Wararka

Xalka Somaliland Waxa Uu Kujiraa Muuse Biixi Oo Is-casila Doorashana Ku Dhawaaqa…

by Raad Raac January 25, 2023 20 0 Comment

AA

Khadar Xuseen Cabdi oo ah Xoghayaha guud ee Waddani ayaa sheegay in xalka Somaliland ku jiro manta in uu Muuse Biixi iscasilo.

Waxa uu intaasi ku daray in intii Muuse xukunka hayay ay dhaceen qaladaadkii ugu waynaa iyo sidoo kale cadaalad daradii ugu balaadhnayd, sida uu ku sheegay xoghayuhu qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-

“Shan Sanno oo uu Muuse Biixi xukumaayay Somaliland, waaxaa dhacay khaladaadkii siyaasadeed ee abid ugu waawaynaa iyo cadaalad daradii ugu baahsanayd.

Waxa uu qaatay go’aamo dhabarka ka jabiyey wixii soddon sanno la soo dhisayay, waxaa si aan hore u dhicin loo toogtay rayid aan hubaysnayn oo Laascaanood, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo si nabadgelyo ah madaxweynaha uga codsanayey in uu shuruucda dalka dhowro, iyo in uu waajibaadkiisa qaran guto.

Waxaa saldhgiyada bilayska dhexdooda loogu kala abtiriyey dhalinyaro, dembiga keliya ee loo haystaa ahaa in ay sharcidarrada diideen. Waana taas dhashay inankii yaraa ee shalay ay masuuliyiinta qaranku, xabsiyada ku dhex weydiinayeen qolada uu yahay, inuu su’aalo iska weydiiyo waxa ay tahay dawladnimadu.

Shantaas sanno Madaxwayne Muuse waxaa laga baryayey in uu shuruucda dalka ixtiraamo, in aanu dadkiisa kala dhoweysan, in aanu shacabkiisa qaybin, in uu dhegeysto ergada dalka, dadka iyo isagaba lexejecladu ka hayso.

Waxa uu dhegaha ka furaystay, in dheefta iyo khayraadka qaranka uu si xaqsoor ah muwaadiniintiisa ugu qaybiyo, waxa uu miciinsaday xadhig iyo cabudhin, waxa aanu badheedh u baalmaray nidaamkii doorasho ee uu kursiga ku yimid.

Foolxumida cawaaqibka ka dhashay hoggaamintaas gurracani, waa taas maanta aanu dafiri karin xitaa muxaafadku. Waxaa xaqiiq noqotay in qaybsanaanta umaddu ay ka weyntahay inta indhow-garadku arkayo, waxaana ka sii xanuun badan, sida aan madaxweyne Muuse looga filayn in uu daweeyo dhibtaas  uu isagu abuuray.

Maanta waxaa biyo kama dhibcaan ah in daba-qabataynta Somaliland ay ku jirto keliya Muuse Biixi oo is casila, doorasho degdeg ahna ku dhawaaqa” ayuu yidhi Khadar

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.