GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
XAFLAD WAX LOOGU U RUURINAYAY XARUNTA KALYO SIFEEYNTA SHEIKH XASAN YABARE OO KA QABSOONTAY MAGAALADDA JIGJIGA
Xaflad deeq loogu uruurinayo xarunta kalyo-sifaynta cusbitaalka Sheekh Xasan Yabare ayaa lagu qabtay Hotel Shaahid ee magaalada Jigjiga; waxaana lagu aruuriyay lacag dhan 20 milyan oo birr.
Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim ayaa ka qayb’galay munaasibaddani deeqda lacageed loogu uruurinayo bukaanka la dhiban kalyo-xanuunka ee cusbitaalka Refaralka jigjiga. Hal-ku-dhegga xafladan ayaana ahayd ” Caawi bukaanka qaba kalyo-xanuunka”.
Haddaba ujeedda guud ee laga lahaa xafladdan ayaa ahayd in la helo 20 milyan oo ay xaruntani ku shaqayso muddo sanad ah waxa ayna xukuumadda, jaamacadda jigjiga iyo cusbitaalka refaralku si guud ugu yabooheen lacag dhan 13 milyan oo birr halka 7-da milyan ee kalena ay ku deeqeen qaybaha kala duwan ee ganacsatada, qaandaraaslayaasha iyo marti sharaftii kale ee kasoo qayb’gashay munaasibaddan.
Xarunta sifaysa kelyaha ee magaalada jigjiga oo yagleelideeda ay iska kaashadeen xukuumadda iyo shacabka deegaanku billowgeediina qayb kamid ah kharashka ay ku hawl’galaysay oo dhan 10 milyan oo birr ay bixisay dawladdu ayaa qiimo jaban ugu adeegta bukaanka la il’daran kalyo-xanuunka.