WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022
XAFIISKA WASAARADDA CAAFIMAADKA OO LAGU SOODHAWEEYAY SAFIIRKA DOWLADDA MASAR U FADHIYA SOMALIA.
Ambassador Albaz oo ah Safiirka Dowlada Masar ee Soomaaliya ayaa booqasho ku yimid xaruunta Wasaarada caafimaadka isagoo halkaasi kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Ali Haji Adan, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Dr. Maryama Maxamed Huseen, Wasiir Ku-xigeenka Dr. Maxaxamad Hassan iyo qaar kamida howl wadeenada kala duwan ee Wasaarada.
Safiirka ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqda caafimaad ee uu wakiilka uga yahay Diwladda iyo Shacabka Dalka Masar taasoo ku socta Wasaarada Caafimaadka asaga oo ka dhawaajiyay in ay diyaar u yihiin garab istaaga walaalahood Soomaaliyeed.
Wasiirka Caafimaadka Dr Ali Haji Adan ayaa uga mahadceliyay Safiir Mohamed Albaz deeqdan lasoo gaarsiiyay Wasaarada caafimaadka asaga oo ku nuuxnuuxsaday xiriirka dhow ee ka dhaxeeya Wasaaradaha caafimaadka soomaaliya iyo masar, wasiirka ayaa ku booriyay safiirka in ay laba jibaaraan deeqaha caafimaad ee ay soo gaarsiiyaan dadka soomaaliyeed.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Wasiir Ku -Xigeenka hadalo kooban ka jeediyay munaasabadan ayaa dhankooda bogaadiyay Tageerda katimid Dalka Masar, waxayna ka codsadeen Safiirka in lasii xoojiyo xiriirka labada Wasaaradood.