GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
XAFIISKA CAAFIMAADKA DDS OO QALAB CAAFIMAAD KU WAREEJIYAY HOSPITALADA WARDHEER IYO JIGJIGA
Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa cusbitaallada Wardheer iyo Jigjiga ku wareejiyay qalab caafimaad oo lacag ahaan dhan 7 milyan oo birr.
Qalabkan ayaa ah kuwo ay ku shaqayn doonaan cusbitaalladani, islamarkaana bulshada ka haqabtiri doona baahiyaha adeeg caafimaad ee ay u baahan yihiin.
Si loo dardargeliyo adeeg-bixinta caafimaad ee bulshada loo hayo Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa sannadkan 2015-ka ku hawlan dhammaystirka mashaariicaha uu xafiisku wado iyo qalabaynta mashariicaha dhammaaday, si ay bulshada u siiyaan adeeg caafimaad oo dhammaystiran.