Xadiga Lacagta Somaliland Kaga Baxday Caanaha Ay La Soo Degto Oo La Shaaciyey…
Xadiga Lacagta Somaliland Kaga Baxday Caanaha Ay La Soo Degto Oo La Shaaciyey
Somaliland, saddexdii sanno ee u dambeeyey 550 Milyan oo dollar ayaa kaga baxa Caano ay dibedda ka soo dhoofsato
Suuqa Caanaha: USD 550 Milyan.
3dii sanno ee u danbeeyay waxaynu Imaaraadka, Sucuudiga iyo dalalka la midka ah gelinay lacag dhan USD 550 Milyan oo aynu kaliya ku soo dhoofsanay 27,965,250 Liter oo caanaha dareeraha ah (Fresh Milk) iyo 38,972,364 KG oo caanaha daasadaha ah (Powder Milk). Inkastoo aynu xoolo badan leenahay haddana celcelis ahaan sannad kasta waxaynu caano ku soo iibsanaa USD 182 Milyan taasoo qayb ka ah dheeliga ganacsi ee ina haysta. Dhibtaa haddii aad u fiirsato waxa xalin karta warshad ku kici karta 20 Milyan sida laga qiyaas qaadan karo Rwanda.
Rwanda 2021kii waxa laga dhagax dhigay warshad ku kacaysa 20.8 Milyan oo soo saari doonta 14,000 Ton oo caanaha daasadaha ah iyo 5,460 tonnes oo subag ah. Xaddigaasi waa inta aynu sannadkii soo dhoofsano, dawladeena ama ganacsatadeena waawayn way awoodaan 20 – 30 Milyan. Dhanka caanaha dareeraha ah waxa jirta ganacsato maxli ah oo hadda ku jira inkastoo tayadoodu aad u liidato waxsoosaar ahaan.