Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Wefti Ka Socda Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo lagu soo Dhaweeyay Gobolka Saaxil…
 Wefti Ka Socda Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo lagu soo Dhaweeyay Gobolka Saaxil…
Wararka

Wefti Ka Socda Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo lagu soo Dhaweeyay Gobolka Saaxil…

by Raad Raac December 27, 2022 6 0 Comment

AA

Wefti ballaadhan oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo socdaal shaqo oo la xidhiidha wacyigelinta iyo dhiirrigelinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ku tagay Gobolka Saaxil, ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey degmooyinka Laasgeel iyo Mandheera.

Weftigan ayaa intii ay degaanadaasi ku sugnaayeen ayaa ka bilaabay halkaasi dardargelinta hawlaha diwaangeilnta iyo sidii bulshada loogu wacyigelinlahaa qaadashada kaadhka codbixinta oo dhawaan dalka ka bilaabmaysa

Weftiga oo ay xubno ka yihiin wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Gaadiidka iyo hrumarinta Jidadka Cabdillaahi Abokor Maxamed, xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta Xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali ,Guddoomiyeyaal iyo Saraakiil sarsar oo xisbiga ah, waxa degmooyinkaa ay sii mareen ku soo dhaweeyey dadweyne fara badan oo ka mid ah taageerayaasha KULMIYE oo ay wehelinayeen madaxda heer gobol iyo heer degmo ee xisbiga, iyagoo masuuliyiinta weftigu shacabkii soo dhaweeyey kala hadlay barxadaha xafiisyo xisbiga ay uga fureen magaalooyinka Dacar-budhuq iyo Abdaal ee xarumaha degmooyinka Laasgeel iyo Mandheera.

Masuuliyinta dawladda iyo xisbil xaakimka KULMIYE ayaa toddobaadyadii u danbeeyay ku hawlana ku baraarujinta bulshada reer Somaliland sidii ay u qaadanlahaayeen kaadhka diwaangelinta codbixiyaasha oo 28-ka bishan ka bilaabmaysa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, weftiyo kuwan oo kale ayaa u kala baxay gobollada bariga iyo galbeedka isla markaana bulshada ku wacyigelinayay sidii ay kaadhka u qaadanlahaayeen xaqooda dastuuriga ahna u sugilahaayeen.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 22

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 51

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.