WAXAA MAANTA LA SAMEEYAY QIIMEEYNTA WAXQABADKA LIXDA BILOOD EE LA SOO DHAAFAY MAGAALADDA JIGJIGA.
Qiimaynta warbixnta waxqabadka lixda bilood ee SM-2015 T.I ee Maamulka Magaalada jigjiga ayaa saaka ka bilaabantay madasha shirarka ee xafiiska Duqa caasimada DDS
Duqa caasimada Eng siyaad cabdi axmed ayaa furay kulanka qiimaynta warbixinta waxqabadka lixda bilood ee SM-2015 T.I ee Xafiisyada Maamulka Magaalada jigjiga
Qiimayntan ayaa socon doonta muddo laba berri ah waxaana lagu qiimayn doonaa wax qabadki lixdii bilood ee u dambaysay shaqooyinkii kala duwanaa ee ay xafiisyadu qabteen.