WAXAA MAANTA IMTIXAAN U FADHISTAY SHAQAALE SOO CODSADAY WASAARADA CAAFIMAADKA
Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa kormeer ku tagay xarunta lagu qaadayey imtixaanka dadkii soo codsadey ku dhowaad 9-Boos oo dhowaan ay soo shaacisey Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan magaalada Xudur kusoo shaacisey 9-boos oo shaqo, waxaana soo codsadey inkabadan 70-Qof kuwaasoo dhammaantood ku haminaya inay ku guuleystaan Boosaskaas. Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bakool Mustaf Mohamed Ahmed ayaa guul u rajeeyey dhamaan dadka u fadhiistey imtixaanka.