GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Waxaa lasoo afmeeray aqoon iswaydaarsi la xidhiidha horumarinta iyo dib usoo celinta dhulka qalalan.
Aqoon is waydaarsigan oo ku ku saabsanaa ansixinta istaraatiijiyadda dib usoo celinta dhulka qalalan oo usoo diyaariyay Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ayaa lagu soo gunnaanaday madasha kulammada ee Garaad Maxammed Dool ee Madaxtooyada DDS.
Kulankan waxaa soo gunnaanaday Madaxwaynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, waxaana kasoo qayb’galay masuuliyiinta Xafiiska laalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS iyo bah-wadaagtisa heer Fadaraal iyo Deegaan.
Kulankan intuu socday waxaa lagaga hadlay horumarinta iyo dib usoo celinta dhulka qalalan ee deegaanka. Mashruucan oo ah mid cusub ayaa marka uu hirgalo wax ka badali doona nidaamka cagaarinta deegaanka oo ah jiho lagu hormarinayo khayraadka kala duwan.