Rasomit Rasomit

Breaking News

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ถ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ธ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎd

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

  1. Home
  2. Wararka
  3. WAXAA LA SOO AF-JARAY WEERARKII AL SHABAAB AY KU QAADEEN XARUNTA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR
 WAXAA LA SOO AF-JARAY WEERARKII AL SHABAAB AY KU QAADEEN XARUNTA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR
Wararka

WAXAA LA SOO AF-JARAY WEERARKII AL SHABAAB AY KU QAADEEN XARUNTA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR

by Fitaah Diinle January 22, 2023 18 0 Comment

AA

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga aysoo gabagabeeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay inย Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ay goobta ka fuliyeen hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba.

Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro Xubnihii Al-Shabaabka ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay ragii katirsanaa Al-Shabaab oo ka koobnaa 6 Ruux.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen 5 Ruux oo Shacab ahaa, balse waxaa dadka dhintay la xaqiijiyay in uu kamid ahaa Agaasimihii Naafada Gobolka Banaadir, halka afar kale ay ku dhaawacmeen.

Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ahaa kuwa lugaynayay iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan,ย  Dowladdu waxay u tacsiyaynaysaa muwaadiniinta halkaas ku shahiiday iyada oo Allah uga baryaysa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay ayaa lagu yiriโ€ Warka dowladda.

Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Al-Shabaab waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Shabaab laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 11

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 26

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.