WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022
Waxaa furmay shir ku saabsan qaab dhismeedka maamul magaalooyinka deegaanka .
Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS Mudane Maxamed Naaji Maxamed, ayaa saaka furay kulan lagusoo bandhigayay talobixinta Qaab-dhismeedka cusub ee Maamul Magaalooyinka Deegaanka.
Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd soojeedinta talobixinta Maamulada Magaalooyinka ee la xidhiidha Qaabdhismeedka cusub, ayaa waxaa kasooqaybgalay Hogaaminta lixda Maamul Magaalo iyo wakiilada Xafiisyada bahwadaagta la ah, waxaana furitaankii kulanka hadal kooban kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS Mudane Maxamed Naaji Maxamed.
Wasiirka oo kudheeraaday baahida xiligan ay Magaalooyinku uqabaan samaynta Qaab-dhismeed kajawaabikara baahida adeegbixineed iyo mida Horumarineed ee Kajirta Magaalooyinka, ayaa Masuuliyiinta kula dardaarmay in ay talobixinadooda usoojeediyaan si cad oo aan mugdi kujirin, si loo gabagabeeyo dhamaystirka Qaab-dhismeedka cusub ee ay yeelanayaan Maamul Magaalooyinku kaas oo lafilayo in dhawaan la horgeeyo golaha hawl fulinta ee DDS, si ay u meelmariyaan.
Waxaa isaguna sidookale kulanka goobjoog ka ahaa wasiir kuxigeenka Xafiiska Mudane Dayib Muxumed Jaamac kaas oo hogaaminayay fagaaraha talo soojeedinta Qaab-dhismeedka cusub ee Maamul Magaalooyinka DDS.