WASIIRU DOWLAHA WASAARADDA CAAFIMAADKA OO KA QEYB GASHAY DUFCADII SADAXAAD EE KA QALIN BADALANEYSAY JAAMACADDA AADAN CADE.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya HE. Dr Maryan Mohamed Hussein ayaa ka qeeb gashay Xafladda qalin jebinta dufcadda 3aad ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Adden Cadde (Aden adde International University)
Wasiiru Dowlaha ayaa u hambalyeysay ardayda ka qalinbadalatay Jaamacadda Caalamiga ah ee Adden Cadde oo ay qaar kamdii ah ardaydas ka qalinbadasheen kuliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Jaamacadda Caalamiga ah ee Adden Cadde.
Wasiiru Dowllaha ayaa ardayda kula dardaraantay in ay sii wataan waxbarashada ayna ku dadaalaan siday u heli lahaayeen aqoon iyo khibrad ay ku caawin karaan Bulshada Soomaaliyeed ee la’ildaran xanuunada laga hortagi karo.
Ugu dambayntii Wasiiru Dowlaha ayaa balan qaaday in Wasaaradda Caafimaadka ay muudnanta koowda markasta siin doonto sii horumarinta adeegayada caafimaadka oo ay laf dhabar u yihiin mihnadlayaasha caafimaadka qeybahooda kala duwan ee kasoo baxaya kulayadaha caafimaadka ee Jaamacadaha Dalk