Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka qeeb gashay Xafladda qalin jebinta dufcadda 7aad ee Jaamacadda Darul Hikmah
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya HE. Dr.Maryan Mohamed Hussein ayaa ka qeeb gashay Xafladda qalin jebinta dufcadda 7aad ee Jaamacadda Darul Hikmah
Wasiiru Dowlaha ayaa u hambalyeysay ardayda qalinbadalatay oo gaaraysa ilaa iyo 135 arday kamid ah ay ka qalinbadasheen kuliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Darul Hikmah
Wasiiru Dowlaha aay ardayda kula dardaraantay in ay sii wataan waxbarashada ayna ku dadaalaan siday u heli lahaayeen aqoon iyo khibrad ay ku caawin karaan bulshada Soomaaliyeed ee la’ildaran xanuunada laga hortagi karo.
Ugu dambayntii Wasiiru Dowlaha ayaa balan qaaday in Wasaaradda Caafimaadka ay muudnanta koowda markasta siin doonto in horumarinta adeegyada caafimaadka oo ay laf dhabar u yihiin mihnadlayaasha caafimaadka qeybahooda kala duwan ee kasoo baxaya kuliyadaha caafimaadka ee Jaamacadaha Dalka.