Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA SOMALILAND OO GAARAY GOBALADA KALA AH AWDAL IYO SELAL
 WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA SOMALILAND OO GAARAY GOBALADA KALA AH  AWDAL IYO SELAL
Wararka

WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA SOMALILAND OO GAARAY GOBALADA KALA AH AWDAL IYO SELAL

by Fitaah Diinle January 6, 2023 15 0 Comment

AA

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka Dr Axmed Faarax Buuxane iyo wefti hogaaminayo ayaa gaadhay Degmooyinka Lughaya iyo Garba-dadar ee gobolada Awdal iyo Selal

Weftigan oo ay qayb ka yihiin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Kheyraadka Biyaha Dr. Siciid Axmed Jibriil,Maayirada Degmooyinka Garba-dadar iyo Lug-haya iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo weli sii wata kormeerka ay ku gaala-bixinayaan gobolada Awdal iyo Selal ayaa kormeer ku tegey degmooyinka Lughaya iyo Garbo-dadar iyo deegaanno kala duwan oo degmooyinkaas kala tirsan sida Waraabe-dareeray, Gargaara, Ceelka-Karuurey iyo Ceelka Kilowle.

Weftigan ayaa kulamo la qaatay odaayasha, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan qaybaha kala duwan bulshada deegaanada iyo degmooyinka ay safarka ku marayaan, iyagoo bulshada ka codsaday inay si weyn isugu diwaan-geliyaan doorashooyinka dalka ku fool leh.

Bulshada ku dhaqan deegaanada iyo degmooyinka weftigu booqdeen ayaa sheegay inay xili hore u diyaar garoobeen diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka qaranka.

Weftigan uu hogaaminayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa gobolada Awdal iyo Selal u tagay sidii ay bulshada goboladaasi ugu wecyi-gelin lahaayeen diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka iyagoo soo maray deegaano badan oo labadaas gobol ka tirsan kuwa kalena ku jeeda si ay u dardar geliyaan qaadashada kaadhka cod bixinta doorashada.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.