WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA OO KA QEYB GALAY KULAN KA DHACAY MADAXTOOYADA SOMALIA
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) oo ay wahliyan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Raysalwasaarada, Bangiga dhexe, Golaha dhaqaalaha qaranka, agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta, Wasiirrada ay khuseeyaan iyo khubarada Waaxda horumanrinta dhaqaalaha dalka ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa maanta kawada qeybgaley shir ka dhacey Villa Somalia oo maanta ay Wasaaradda Qorsheynta gaar ahaan waaxda horumarinta dhaqaalaha (EcoDev) ay ku soo bandhigeysay Warbixin Muuqaaleeedkii dhaqaalaha dalka ee 2022.
Dhammaan Madaxda hay’adaha dowladda ee ka soo qayb galay shirka ayaa wadajir u bogaadiyay warbixin muuqaaleedka dhaqaalaha ee Wasaaradda qorsheyntu soo bandhigtay, si ay aragti ugu yeeshaan, sidoo kalana ayna u bixiyaan talooyinkooda muhiimka u ah Soo saarista warbixin muuqaaleed ka dhaqaalaha dalka. (First Economic Outlook Report 2022).