Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Caafimaadka
  3. WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA OO LA GUDOONSIYAY BILAD SHARAF
 WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA OO LA GUDOONSIYAY BILAD SHARAF
Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA OO LA GUDOONSIYAY BILAD SHARAF

by Fitaah Diinle January 23, 2023 29 0 Comment

AA

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta Xarunta dhexe ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka ( WHO ) ee Geneva ku guddoomay Bilad sharaf weyn oo uu guddoonsiiyay madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka Dr. Tedros.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa abaal marintan ku mutaysatay hirgalinta Xarumo Caafimaad oo ku shaqeeya tamarta (qorraxda), Xarumahan Caafimaad ayaa waxay bixiyaan adeegyo Caafimaad oo kala duwan, Waxaana xusid mudan in xiligii uu dalka saameeyay caabuqii COVID19-ka ay wasaaradda ku guulaysatay hirgalinta warshadaha dhaliya hawada ( oxygen ) kuwaas oo 100% ku shaqeeya tamarta cadceedda, waxaana laga hirgaliyay Gobollo kala duwan oo ku yaala dalkeena Soomaaliya.

Bilowga faafinta goobaha Caafimaad ee ku shaqeeya cadceedda ayaa ah qorshe weyn oo ay wado Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo laga damacsanyahay in uu kor u qaado tirada iyo tayada adeega caafimaadka ee dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale waxay ka qayb galeen kulamo gaar-gaar ah oo ay la yeesheen waaxaha kala duwan ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada farsamo ee hey’addu ay siiso dalkeena Soomaaliya.

Ugu danbayn kulamada oo socon doona ilaa 24 ka Bishan Janaayo ayaa waxaa la rajaynayaa inay guulo badan usoo hooyaan hanaanka Caafimaadka ee Soomaaliya oo howlaha horumarintiisu u socdaan si habsami leh.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.