Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. WASIIRKA QORSHEYNTA DFS OO DALKA KUWAIT KULAN KULA QAATAY SAFIIRKA DFS U FADHIYA DALKA KUWAIT.
 WASIIRKA QORSHEYNTA DFS OO DALKA KUWAIT KULAN KULA QAATAY SAFIIRKA DFS U FADHIYA DALKA KUWAIT.
Wararka

WASIIRKA QORSHEYNTA DFS OO DALKA KUWAIT KULAN KULA QAATAY SAFIIRKA DFS U FADHIYA DALKA KUWAIT.

by Fitaah Diinle January 4, 2023 30 0 Comment

AA

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) oo ku sugan Dalka Kuwait ayaa caawa kuln is xog-wareysi ah la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait Danjire Cabdullaahi Odawaa ayaa kulanka goobjoog ka ahaa, Waxaana Wasiirku uu bulshada la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka sida, Horumarinta dhaqaalaha, Maalgashiga, iyo La-dagaallanka Kooxaha Argagixisada.

“Qorshaha Horumarinta Qaranka ee aan sameynay meel wanaagsan ayuu marayaa, sidoo kale maalgashiga dalka lagu sameynayo ayaa heer lagu faani karo jooga.

Bishii November ee sannadkii tegay ayaan dalka ku qabannay Shir weyne Maalgashi oo aan dunida ku tusinnay heerka maalgashi ee dalkeennu maraayo.” Ayuu yiri Wasiir Beena-beene.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait Danjire Cabdullaahi Odawa ayaa faah-faahiyay howlaha u qabto Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

“Si dhow ayaan ula shaqaynaa jaaliyadda Soomalyeed ee halkaan ku nool, waxaa naga dhexeeya wada shaqayn qoto-dheer oo isfaham ku sallaysan, waxaana naga go’an ilaalinta dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed taas oo ay laf-dhabar u yahiin Jaaliyaddu.” Ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Kuwait Dalka Kuwait Danjire Cabdullaahi Odawaa.

Jaaliyadda Soomaaliyed ee Dalka Kuwait ayaa dhankooda Wasiirka ku bogaadiyay daadajinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, xoreynta gobollada iyo Dowlad wanaagga.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta loo sameeyay iyo daddaallada jaaliyadda ay waddo ee la xiriira horumarinta dalka.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 58

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.