GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
WASIIRKA HOWLAHA GUUD EE SOMALILAND OO TACSIYO U DIRAY QOYSKA IYO SHACAB WEYNAH SOMALILAND OO UU KA GEERIYOODAY MARXUUM MAXAMUUD AADAN DHERI.
Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Aadan Dheri oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Wasiirku waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qiimo leh islamarkaana door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland ku wada dhaqan, isagoo marxuumku ka mid aha odayaasha Gobolka Togdheer.
Ugu danbeyn Wasiir C/laahi Abokor Cismaan marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.