WASIIRKA HORUMARINTA BEERAHA EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND OO KULAN IS XOG WAREEYSI AH LA QAATAY BEERALEEYDA DAGMADDA SALLAXLEEY
Wasiirka horumarinta beeraha JSL oo kulan xog waraysi ah la qaatay qaar kamid ah beeraleyda dagmada Sallaxley.
Weftigan oo uu hogaaminayay Wasiirka beeraha Eng Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxa ku wehelinayay, Maareeyaha hay,adda duulista Cumar Zayid, Guddoomiyaha Hay,adda dhawrista Tayada Mukhtaar Maxamed iyo madax dhaqameed. waxaana dagmada Sallaxley kusoo dhaweeyay kuna casuuntay marwo Aamina Cartan oo kamid ah Beeraleyda dagmada Sallaxley. Sidoo kale waxa kulankaasi kasoo qayb galay Maayarka dagmada Sallaxley Axmed Buraale iyo isu duweyaasha Wasaaradaha Beeraha iyo Biyaha odayaasha dagmada.
Aamina Cartan iyo Saddiiq Jawaan oo kamid Beeraleyda dagmada Sallaxley ayaa halkaasi warbixin kusiiyay wasiirka horumarinta beeraha JSL kuwaasi oo uga xog waramay xaalka beeraleyda dagmada iyo caqabadaha ku gadaaman oo ay ugu horayso biyo la,aantu.
Wasiirka horumarinta beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa uga mahad celiyay Aamina Cartan casuumadda ay u samaysay wefdiga uu hogaaminayay, wasiirka ayaa sheegay mudadii uu joogay inuu xidhiidh la sameeyay hay’addo caalami ah si wax soosaarka deegaanada Koonfurta gobolka Maroodijeex kor loogu qaado loogana hirgaliyayo mashaariic maalgashiga beeraha ah madaama ay bulshadii ka baxeen xoolahii.
Wasiirka horumarinta beeraha JSL ayaa ugu dambayn bulshada dagmada kormeer ku sameeyay qaar kamid ah beeraha Maal gashiga ay ku samaysay marwo Aamina Cartan oo kamid ah bulshada dagmada Sallaxley waxaanu wasiirku balan qaaday inay taageeri doonaan beeraleyda.