Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. WASIIRKA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA OO BOOQDAY DHALINYARADDA 17 JIRADA EE XULKA QARANKA SOMAALIYEED.
 WASIIRKA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA OO BOOQDAY DHALINYARADDA 17 JIRADA EE XULKA QARANKA SOMAALIYEED.
Wararka

WASIIRKA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA OO BOOQDAY DHALINYARADDA 17 JIRADA EE XULKA QARANKA SOMAALIYEED.

by Fitaah Diinle January 1, 2023 30 0 Comment

AA

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa kormeer u kuurgelid ah ugu tegay xulka qaranka 17 jirrada oo u diyaar garoobaya koobka qaramada Afrika ee bisha April ka furmi doona Algeria.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa iska kaashanaya in xulkeenna xidigaha Badweyntu halaan tababarka ay u baahanyihiin si natiijo ay Shacabka Soomaaliyeed aqbali karaan usoo hooyaan.

 

Kormeerka uu wasiirku ku tegay garoonka ay tababarka ku qaadanayaan xulka qaranka ee 17 jirrada ah waxaa ku soo dhoweeyay guddoomiyaha KMG ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Shiine) iyo masuuliyiin kale.

Macalinka xulka qaranka Nuur Amiin ayaa wasiirka warbixin ka siiyay diyaar garowga ay ku jiraan xulkeenna qaranku isagoo muujiyay kalsoonida uu ku qabo xidigaha Badweynta, wuxuuna u mahadceliyay wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo uu tilmaamay inuu taageero hagar la’aan ah la garab taaganyahay xulka iyo maamulkoodaba.

Xulka qaranka ayaa lix maalmood oo todobaadka ka mid ah qaata tababarka si ay ugu diyaar garoobaan ciyaaraha sugaya ee qaramada Afrika.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa xoogga saartay in la xoojiyo tartanka dugsiyada si ay usoo baxaan xul qaran oo anshax ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.