GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
WASIIRKA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA DFS OO KULAN LAQAATAY DANJIRAHA IMAARAADKA U QAABILSAN SOMALIA.
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ka mid ah la-taliyayaasha wasaaradda ayaa kulan la qaatay danjiraha cusub ee dowladda isu-tagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan dalkeenna Amb Ahmed Jumaa Mohamed.
Kulanka ayaa lagu soo qaaday sidii ay labada dhinac isaga kaashanlahaayeen isku xirka bahda Sports-ka labada dhinac iyo in dowladda Imaaraatku ka taageerayso dhalinyarada Soomaaliyeed in loo dhiso xarumo dhalinyaro iyo garoomo ciyaareed.
Danjiraha ayaa balan qaaday in hay’adda sare ee ciyaaraha isu tagga Imaaraatka Carabta iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS uu isku soo xiri doono si ay isu kaashadaan.