WASIIRKA CIYAARAHA OO KULAN LA QAATAY XILDHIBAAN KA TIRSAN BARLAMAANKA FINLAND
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Xildhibaanno ka tirsan guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Soomaaliyeed agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka gaarka ah ee Nabadda iyo dhex-dhexaadinta geeska Afrika u qaabilsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ahna Mudane ka tirsan Baarlamaanka Finland Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo uu weheliyo Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland Mr Jukka Pajarinen.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdiga ka socday dowladda Finland ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha hortabinta u leh wasaaradda iyo kaalinta ay dowladda Finland ka gaysan karto, waxaana si gooni ah loo dul-istaagay mashaariicda waarta ee dhalinyarada Soomaaliyeed u sahlaysa inay suuqa shaqada ku biiraan.
Wasiirka ayaa wafdi dowladda Finland u gudbiyay qorshe dhowr kun oo dhalinyaro ah sanad walba lagu barayo farsamada gacanta iyo xirfadaha wakhtiga kooban qaata ee dalka looga baahanyahay.
Dhinaciisa Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo Ah Wiil Soomaaliyeed oo ku barbaaray dalka Finland meel sarena ka gaaray siyaasadda wadankaas ayaa sheegay in dowladdiisu ay ansixisay qorshe ku kacaya Malaayiin Dollars oo lagu xoojinayo taageerada la siiyo wadamada geeska Afrika ku yaala wuxuuna caddeeyay in horumarinta dhalinyarada iyo fursad u abuuristoodu uu yahay kan ugu muhiimsan.
Dowladda Finland ayaa taageerta kaalinta dhalinyarada ee nabadda iyo in xal-waara loo hello colaadaha wadamada Afrika gaar ahaan kuwa Geeska.