Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. WASIIRKA CADAALADDA DFS OO LA KULMAY WASIIRKA CADAALADDA DALKA TURKIGA
 WASIIRKA CADAALADDA DFS OO LA KULMAY WASIIRKA CADAALADDA DALKA TURKIGA
Wararka

WASIIRKA CADAALADDA DFS OO LA KULMAY WASIIRKA CADAALADDA DALKA TURKIGA

by Fitaah Diinle January 4, 2023 14 0 Comment

AA

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud iyo Wasiirka Caddaaladda ee dalka Turkiga mudae Bekir Bozdag ayaa kulan miro dhal ah ku yeeshay magaalada Ankara kaas oo ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan gaar ahan arrimaha la xiirira Cadaladda iyo sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka argagaxisada iyo dambiyada abaabulan.

Labada wasiir ayaa isla gartay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Sidoo kale, Labada wasiir ayaa is xasuusiyay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee cambaareeyay isku daygii afgambigii dhicisoobay ee dalka turkiga ka dhacay.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallin ayaa ka mahadceliyay garab istaagga ay dowladda turkiga la garab taagantahay walaalahooda Soomaaliya isagoo xusay in dowladda Turkiga ay Soomaaliya gargaartay xilli loo baahnaa isla markaana weli ay u taagantahay in ay sii xoojiso taageerada dhinac kasta ah.

Dhanka kale, Labada wasiir ayaa isla gartay in la soo nooleeyo heshiisyo horey u jiray oo aan la dhaqaajin muddooyinkii u dambeeyay, heshiiyadaas oo gaaraya afar heshiis oo ay ku jiraan kuwa la xiriira Cadaaladda iyo Garsoorka, Xeer ilaalinta, Dacwad oogista iyo Baaritaanka Dambiyada.

Ugu dambayn, Wasiirka Cadaaladda dalka Turkiga mudane, Bekir Bozdag oo fulinaya codsi uu u soo jeediyay wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa ballan qaaday in uu Soomaaliya imaan doono islamarkaana Muqdisho lagu saxiixi doono heshiisyo dhowr ah oo la xiriira iskaashiga dhinacyada Caddaaladda iyo Garsoorka.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 81

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.