Rasomit Rasomit

Breaking News

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ถ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ธ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎd

  1. Home
  2. Caafimaadka
  3. WASIIRKA CAAFIMAADKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY HAAYADDA INTERNATIONAL MEDICAL GROPS(IMC
 WASIIRKA CAAFIMAADKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY HAAYADDA  INTERNATIONAL MEDICAL GROPS(IMC
Caafimaadka

WASIIRKA CAAFIMAADKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY HAAYADDA INTERNATIONAL MEDICAL GROPS(IMC

by Fitaah Diinle January 8, 2023 472 0 Comment

AA

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo Xafiiska Ku qaabiley Wafdi ka socotey International Medical Crops (IMC).

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mr Axmed Yuusuf Cabdulle iyo qaar ka mid ah howl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socdey IMC oo uu hogaaminayey Ronald-Paul Veilleux Wakiilka IMC ee Soomaaliya ayaa warbixino ku saabsan wadashaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda u gudbiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo kaalinka ay ku leeyihiin horumarinta qeybta Caafimaadka Soomaaliya.

Madaxda hey’adda ayaa bogaadisey in Wasiirku gartey doorka ay ku leeyihiin Horumarinta Caafimaadka oo markasta ay qeyb wayn ka yihiin, waxa ayna faahfaahin buuxda ka bixiyeen howlaha ay gacanta ka geystaan ee la xiriira qeybta Bani’aadannimada iyo Horumarinta Caafimaadka.

Madaxda ka socotey Hey’adda IMC ayaa sidoo kale xustey in ay gacan ka geysan doonaan Barnaamijka xirmooyinka Caafimaadka maadaama Bulshadeenu u baahan tahay adeeg Caafimaad oo buuxa si loo hello barnaamijka xalka waara ee qeybta Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed.

IMC ayaa qeyb ka ah hey’addaha taageera Mashaariicda Caafimaadka gaar ahaan dhinaca gargaarka Caafimaadka ee Goboladda Dalka, iyagoona xusey xoojinta howlaha ay ka hayaan qeybaha Caafimaadka dalka iyo in la dardargaliyo Mashaariicda cusub ee qorshuhu yahay in laga hirgaliyo dhamaan Gobolada Dalka.

Ka hor inta aan la soo gabagabeyn kulanka ayaa labada dhinac waxa ay isla garteen in dib loo cusboonaysiiyo heshiiska iskaashiga iyo sidoo kale in la xoojiyo adeegyada laga fulinaya deegaanada ay baahida Caafimaad ka jirto, iyo in loo gudbo meelaha ay adag tahay in lagaarsiiyo taageerada Barnaamijyada Caafimaad ee luugu talagaley dadka qaba baahiyaha Caafimaad.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ugu dambeyn Madaxda IMC kala hadley xoojinta Mashaariicda ay bixiyaan iyo in la dardar galiyo wadashaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda si loo Horumariyo qeybta Caafimaadka Dalka iyo in ay ka qeyb qaataan gurmadka Caafimaad iyo kan nolaleed ee loo baahan yahay in la gaarsiiyo dadka.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 15

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 28

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.