Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa kulan la qaatay Maayarada 23 Degmooyinka Doorasho ee dalka
 Wasiirka arimaha dibada Somaliland  ayaa kulan la qaatay Maayarada 23 Degmooyinka Doorasho ee dalka
Wararka

Wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa kulan la qaatay Maayarada 23 Degmooyinka Doorasho ee dalka

by Fitaah Diinle December 20, 2022 15 0 Comment

AA

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Maayarada 23 Degmooyinka Doorasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kulankan ayaa loogu diyaar garoobayey Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland, taasoo qabsoomaysa 28-12-2022.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa faray Maayarada Dalka in u diyaar garoobaan Diiwaangelinta, taasoo ka dhacaysa deegaanada ay maamulaan Maayarada dalku, sidoo kale Wasiirku wuxuu warbixin ka siiyey Maayarada halka ay marayso diyaar garowga Diiwaangelinta Kaadh qaadashada Codbixiyayaasha Somaliland.

Wasiirka ayaa faray Maayarada in ay si hagar la’aan uga qayb galaan Diiwaan gelinta kaadh qaadashada, sidoo kale Wasiirka ayaa faray Maayarada in ay laba laabaan shaqada oo ay shaqada caadiga ah ay qabtaan habeenkii iyo gelinka danbe u bedelaan, maalinta inteeda kalena ay xooga saaraan ka shaqaynta Diiwaangelinta, taasoo ah mid muhiim ah Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo himilooyinka Qarankani Leeyahay.

Maayarada dalka ayaa muujiyey sida ay diyaarka ugu yihiin ka shaqaynta Diiwaangelinta iyo in ay deegaanada ay Maayarada ka yihiina ay ku wacyigelinayaan shacabkooda ayna dedaal gelinayaan in bulshadu ay qaataan Kaadhka Diiwaangelinta, Wasiirka iyo Maayarada ayaa kala qaatay go’aan ah in xooga la saaro Diiwaangelinta mudada ay socoto.

Maayarada dalka ayaa door wayn ka qaadanaya Diiwaangelinta, taasoo ah waajib qofkasta oo Somalilander ah saaran in la hirgeliyo barmaamujka Diiwaangelinta, sidoo kale Maayarada ayaa mudada ay socoto Diiwaangelintuna dedaal ku bixin doona doorkooda sugida iyo adkaynta nabadgelyada.

Kulan Waxaa Wasiirka Arimaha Gudaha ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Sulayman Yusuf Koore, Wasiirka Wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska jsl Mustafe Godane, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Mohamed Yusuf Ismail.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 58

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.