Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?
WASIIR KU XIGEENKA WASAARADDA HOWLAHA GUUD JSL OO KULAN KULA QAATAY GUDAHA CEERIGAABO SHACABKA KU DHAQAN.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Maanta Goobaha Ay Iskugu Yimaadaan Dadweynaha Magaaladda Ceerigaabo Booqday Isla Markaana Kulamo Kala Duwan Kula Qaatay.
28-12-2022 Ceerigaabo “Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud” Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Maanta Goobaha Ay Iskugu Yimaadaan Dadweynaha Magaaladda Ceerigaabo Booqday Isla Markaana Kulamo Kala Duwan Kula Qaatay.
Wasiir Maxamuud Warsame Jaamac Oo Ayaamihii Udanbeeyey Safar Shaqo Ku Joogay Maagaladda Ceerigaabo Ayaa Maanta Goobaha Ay Kulmaan Dadweynaha Magaaladda Ceerigaabo Booqday, Isla Markaana Kulamo Kala Duwan Kula Qaatay.
Wasiirka Oo Ukuurgalayey Xaaladda Dadweynaha Magaaladda Ceerigaabo Ayaa Booqday Goobaha Ay Caanka Ku Tahay Magaaladda Ceerigaabo Ee Dadweynuhu Iskugu Yimaadaan, Iyadoo Wasiirka Ay Soo Dhaweynayeen Goobahaa Uu Booqday Dadweynaha Kala Duwan Ee Goobahaa Ku Sugnaa.
Dhinaca Kale Wasiir Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Dhex Lugeynayey Si Nabadgalyo Ah Qeybo Kamid Wadooyinka Halbawlaha U Ah Magaaladda Ceerigaabo, Iyadoo Dadweynuhu Kusoo Dhaweynayeen Sacab Iyo Mashxarad, Iyadoo Wado Kasta Oo Wasiirku Maraba Dadweynuhu Ay Umahadcelinayeen Isla Markaana Hareero Socdeen Wasiirka Dadweyne Faro Oo Wasiirka Galbinayey.