Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?
WASIIR KU XIGEENKA HOWLAHA GUUD SOMALILAND OO BOOQDAY DEEGAANADDA WAQOOYI IYO BUURALEEYDA GOBALKA SANAAG
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Oo Maalmihii Udanbeyeey Waday Socdaal Wacyi-gelinta Is Diwaangelinta Ah Ayaa Safar Ku Gaalaa Bixiyey Degaanada Waqooyiga Iyo Buuralayda Gobolka Sanaag.
Wasiir Maxamuud Warsame Jaamac Oo Maalmihii Udanbeeyey Safar Shaqo Ku Joogay Gobolka Sanaag, Gaar Ahaan Magaaladda Ceerigaabo Ayaa Safar Ku Gaalaa Bixiyey Degmooyinka Iyo Tuuloyin Ka Tirsan Gobolka Sanaag.
Wasiir Maxamuud Warsame Jaamac Oo Beryahanba Socdaal Wacyi-gelinta Is Diwaangelinta Ah Ku Marayey Degaanada Waqooyiga Iyo Buuralayda Gobolka Sanaag Ayaa Gaadhay Degaanka Kulmiye Iyo Degaano Kale Oo ku Teedsan Jiidahaas.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Waxa Bulshada Degaanadaas Ku Wacyi-geliyey inay Kaadhka Codaynta Qaataan Si Ay U Codeeyaan Doorashooyinka Kala Duwan Ee Dalka Kusoo Food Leh, Safarka Wasiirku ku Marayo Degaanada Gobolka Sanaag Ayaa Galay Maalintii Shanaad Isagoo Sii Wadi Doona .