GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
WASIIR BEENEBEENE OO LA KULMAY WAAXDA HORUMARINTA DHAQAALAHA
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa maanta la kulmay Waaxda horumarinta dhaqaalaha oo soo bandhigtay qorshe-howleedka sanadka 2023, kaasoo waafaqsan qorshaha istiraatijiyadeed ee waaxda iyo waajibaadka shaqo ee wasaaradda.
Qorshuhu wuxuu diiradda saarayaa qaabeynta siyaasadaha, shuruucda iyo istaraatijidaha dhaqan-dhaqaale ee Dalka (National Socio-Economic Studies), Soo saaridda/sameynta warbixin muuqaaleedka dhaqaalaha dalka (National Econonic Outlook) iyo diyaarinta iyo isku duwidda qorshayaasha Hayโadaha waxsoo- saarka dhaqaalaha dalka, dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha, Awoodsiinta hayโadaha kaabayaasha dhaqaalaha.
Qorshuhu waxa uu kor u sii qaadayaa dhaqaalaha dalka, wax-soo-saarka, shaqo abuurka gudaha iyo isku xirka Hayโadaha dhaqaalaha dalka u xilsaaran.
Wasiirka ayaa ugu dambayntii bogaadiyay daddaalada waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ay ku soo saareyso warbixin muqaaleedkii dhaqaalaha dalka ee ugu horeeyey, wuxuuna ku sii booriyey in ay diiradda saarto yoolasha lagu gaari karo isku-filnaansho dhaqaale. iyada oo kullanka goobjoog ka ahaayeen K/S Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdinaasir kaatib iyo howl-waddeenada Waaxda.