Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. WASIIR BEENEBEENE OO KA QEYB GALAY SHIRKA MAAMULKA MACHADKA IYO WASAARADDA QORSHEYNTA DALALKA CARABTA.
 WASIIR BEENEBEENE OO KA QEYB GALAY SHIRKA MAAMULKA MACHADKA  IYO WASAARADDA QORSHEYNTA DALALKA CARABTA.
Wararka

WASIIR BEENEBEENE OO KA QEYB GALAY SHIRKA MAAMULKA MACHADKA IYO WASAARADDA QORSHEYNTA DALALKA CARABTA.

by Fitaah Diinle January 5, 2023 54 0 Comment

AA

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa maanta Dalka Kuwait kaga qeybgalay Shirka sannadlaha ee Golaha Sare Maamulka machadka iyo Wasiirrada Qorshaynta dalalka Carabta ee ku saabsan qorshaynta & horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa Wasiirrada Dalalka Carabta iyo Mas’uuliyiinta kale ee ka soo qeybgalay la wadaagay heerka dhaqan dhaqaale ee Soomaaliya xilligaan, waxaa kale uu khudbaddiisa ku xusay horumarka Dalka ka socda, Guulaha laga gaaray la dagaallanka aragagixisda, Arrimaha Abaaraha, Maalgashiga iyo fursadaha xilligaan taagan ee laga faa’iideysan karo.

“Fursado maalgashi ayaa ka jira dalkeenna, oo aan shirkii Maalgashi ee ugu dambeeyay ku soo bandhignay, kuna soo jeeddinnay indhaha caalamka, cid kasta oo ku taamaysa in maalgashi cusub sameysana gacmo furan ayaan ku soo dhoweyn doonnaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Beenebeene, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya khudbaddan ka hor jeediyay Wasiirrada Qorsheynta dowladaha Carabta.

Madaxda sare ee Machadka Qorsheynta Carabta API, Wasiirrada Dalalka Carabta, Khuburro ka faallooda arrimaha dhaqaalaha iyo madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwiet ayaa goobjoog ka ahaa shirkan oo ah sannadle, maantana ka furmay dalka Kuwait.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 22

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 54

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.