WASIIR BEENEBEENE OO GOLAHA SHACABKA BJFS KA HORJEEDIYAY HINDISE-SHARCIYEEDKA HAAYADDA DHIRRIGELINTA MALGASHIGA SOMALIA
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Mudane Mohamud Cabdiraxman Beene-beene ayaa maanta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor akhriyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Dhiirrigelinta Maalgashiga Soomaaliya, kaas oo ahmiyad weyn ugu fadhiya dalkeenna, ayna socota dardargelintiisu.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aalo la xiriira mowduucaan oo ay Xildhibaannadu ka weydiiyeen hindise-sharciyeedka Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga oo akhrintiisa koowaad maray.